top of page

Ururka Damal

Ururka Damal ayaa deeq raashin ah u qaybiyey dad tiradoodu gaadhayso 700-800 qoys ku waas oo ay abaaruhu tabaaleeyeen. 

Dadkan oo ku dhaqan magaalada Bali Ismaciil Yoonis ayaa ka soo barakacay tuulooyin ku xeeran Bali Wacays

Hay'ada Al-Khayr Foundation ayaa ka qayb qaadatay taakulaynta dadka caawimada ubaahan 

taakulayntii abaaraha

Xafladii furitaanka xafiiska Damal ee magaalada Hargeysa

Ururka Damal oo xafiis cusub ka furtay magaalada Hargeysa ayaa xaflad furitaan loo

sameeyey waxaana kasoo qayb galay wasiiro iyo salaadiin

taakulayntii abaaraha

Ururka d

Damal ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey deegaamo ka tirsan gobolka Maroodijeex

Ururka Damal ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku tabaalaysan deegaamada hawdka kaga beegan magaalada Hargeysa. Waxaana ka hadlay madaxda ururka Damal iyo sidookale dadwaynaha deeqda raashinka la gaadhsiiyey

Ururka Damal oo MCH ka dhagax dhigay magaalda Bali wacays

Ururka Damal ayaa MCH ka dhagax dhigay magaalaa Bali Wacays 

 

Gudida Fulinta Ururka Damal oo booqday Deegaanada Wacays Oodane iyo Ismaacil Yoonis

 Taariikhadu Markay ahayd 14/10/2020, Gudida fulinta ururka Horumarinta reer Miyiga ee Damal ayaa booqday Deegaanada Wacays Oodane iyo Ismaacil Yoonis, Ujeedada safarka wuxuu ahaa sidii loogu kuurgali lahaa xaaladaha nololeed ee dadka ku dhaqan deeganadan, waftigu waxay imtixaano iyo tijaabooyin ka qaadeen ardayda dhigta dugsiyada deegaamada Wacays oodane iyo Ismaacil yoonis oo taageero ka hela Ururka Damal.

Sidoo Kale Waftigu waxay booqdeen Boodhinka Deegaanka Wacays oodane oo ay gacanta ku hayso ururka damal, halkaas oo gudidu indhaheeda kusoo aragtay midho wanaagsan iyo arday dhisan diin, Akhlaaq iyo Cilmi ahaanba.

Ugu danbayntii dadka deegaanka Ismaacil Yoonis degan waxaa haysay biyo la'aan baahsan iyagoo biyuhu gabaabsi ku ahayeen. 

Halkan hoose ka daawo Warbixintan Safarka oo Muuqaal ah.

bottom of page